Wilaayada islaamiga Gobalka Shabeelaha Dhexe oo Horumarin ka wado degmooyinka Gobalkaasi iyo Burcad latoogtay.

Wilaayada Islaamiga Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay waxqabadka arrimaha Bulshada iyo amaanka oo maalmihii lasoo dhaafay si dar dar ah uga socday degmooyinka gobalkaasi Shabeelaha dhexe.

Waaliga Wilaayaa Islaamiga Gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Bukhaari Aadan Cabdi ayaa xaqiijiyay in Wilaayada islaamiga ah ku talaabsatay waxqabad balaaran oo ay ka qabatay Amaanka iyo arrimaha Bulshada.

Sheekh Bukhaari wuxuu ciidanka Amaanka Wilaayada ku amaanay sida ay gacanta ugu dhigeen amaanka islamarkaana ay ula dagaalameen kooxihii Burcadda ah oo uu ku caan baxay Gobalka Shabeelaha dhexe, Ciidanka Amaanka ayaa amar loo siiyay in ay Nolosha ku toogtaan kooxaha



Burcadda ah ee la arko iyagoo hubaysan oo Gaadiidka baaranaya.

Shalay gelinkii dambe ayay Ciidanka amaanka Wilaayada Shabeelaha Dhexe Nolosha ku toogteen Sedax Nin oo baaranayay gaari marayay wadada oo kusii jeeday degmada Buulaburde, ragga la toogtay oo ku hubaysnaa qoryo AK47 ah ayaa in mudda ah yiilay wadada waxaana kusoo xoomay dad reer miyi ah oo ku faraxsanaa sida ay Mujaahidiintu umadda uga qabteen Burcadda soo buudada ah.

Dhinaca kale waxaa heer gaba gaba ah maraya dhismaha wadada isku xirta deegaanka Qalimoow iyo magaalada Jowhar,dayactirkan waxaa dhismaheeda iska kaashanaya Wilaayada islaamiga Gobalka iyo ganacsatada magaalada Jowhar waloow dhaqaalaha ugu badan ee dayactirka ay bixinayso wilaayada islaamiga ah.

Dhismaha wadada ayaa yimid xili ay shacabku baahi uqabeen maadaama Burbur aad uxoogan uu ka jiray inta udhaxaysa Qalimoow iyo magaalada Jowhar islamarkaana ay ku rogman jireen gaadiidka isaga kala goosha gobalada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobalka Shabeelaha dhexe ayaa si aad ah usoo dhaweeyay howlaha horumarinta ah oo ay wilaayada islaamiga Gobalka Shabeelaha dhexe ka wado degmooyinka Gobalkaasi waana markii ugu horaysay oo Shabeelaha dhexe laga sameeyo horumarin dhan walba ah.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com