Sarkaal sare oo katirsan Ururka Xisbul islaam ayaa Beeniyay War maanta kasoo yeeray Dowladda KMG ah kaas oo sheegayay in Ciidamo Xisbul islaam katirsan ay iskusoo dhiibeen Dowladda KMG ah ee AMISOM la shaqaysa.
Sheekh Maxamed Caruus madaxa Howlgalada Ciidanka Xisbul islaami ayaa Beeniyay Warka kasoo yeeray Dowlada KMG ah isagoona ku sheegay War niyadda loogu dhisayo baxsadka dowlada KMG ah oo maalmihii lasoo dhaafay Mujaahidiinta Shabaab isku dhiibayay.

"runtii waxaas kasoo yeeray kooxda Riddada Idaacadda ayaan ka maqlay majiro ciidan keenaa oo dhankaas u talaabay, ma jiro Mujaahid Riddo ku biiraya qoladaasi Riddada ah Caqiidada ayaan isku dagaashanahay mana dhici karto in ciidankeena wanaagsan Riddo ugalo iyaga ayaa doonaya in ay kala cararkooda ku daboolaan waxa ay sheegteen" ayuu yiri Caruus.
Sheekh Max'med Caruus wuxuu sheegay in 7 Nin ee lagusoo bandhigay Wadajir ay yihiin Ciyaal Foodheerayaal ay DKMG ah usoo geliyeen Dareeska ciidanka islamarkaana ay doonayaan in ay shacabka ku Khaldaan.
Ururka Xisbul Islaam ayaa mar kale ku goodiyay in ay sare u qaadayaan dagaalada ay kula jiraan AMISOM iyo dowlada KMG Somalia, dowladda shariifka oo ku daciiftay dagaalada ay Mujaahidiinta kula jiraan ayaa dhowr jeer adeegsatay Dacaayado ay ku sheegayaan in Ciidan Islaamiyiinta katirsan iskusoo dhiibeen.
Dowladda KMG ah ayaa ku fadeexowday Been weyn oo ay sanadkii lasoo dhaafay faafisay markii ay Iclaamka usoo bandhigtay Nin ay ku sheegtay in uu katirsanaa Shabaabka Jubbooyinka taas oo dhalisay in dadku ay rumaysan waayaan hadalada dowladda.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


