Markazka Salaaxudiin degmada Huriwaa magaalada Muqdisho waxaa maalin walba oo Jimcaha ah ka dhaco Muxaadarooyinka muhiim ah oo ay soo jeediyaan mashaa'ikh Soomaaliyeed oo isku xilqaamay in ay Shacabka Muslimiinta ah diinta baraan.
Salaaxudiin waa Markaz dhismay xiligii ay soo bexeen Maxkamadihii Islaamka Somalia waxaana Markazkaasi ka aflaxay Arday farabadan oo ka dhax muuqda fagaaraha Jihaadka Somalia qaarkoodna uu alle ku Arzuqay Shuhado.
Markii ugu horaysay waxaa Markazkaasi Muxaadaro ka jeediyay Mid kamid ahaa Culimadii la baxday Hay'adda culimada ee mar isku dayay in ay sharciyeeyaan joogitaanka Ciidanka AMISOM in Dowladda KMG ah oo ay Mujaaihidiintu la dagaashanyihiin.

Sheekh Jaamac C/salaam oo ka baxay hay'addii culimada Shariifka ayaa Muqdisho ka wado Dadaallo uu ku gudanayo Waajibkiisa Daacinimo isagoona bilaabay in uu Jeediyo Muxaadarooyin ka hadlaya wadciga maanta ka jira caalamka islaamka.
Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa "Lagdanka u dhexeeya Xaqqa iyo Baadilka"ayuu Sheekhu shalay ka jeediyay Markazka Salaaxudiin Muxaadaradaas oo ay ka faa'iidaysteen dad badan usoo cilmi doontay Markazka.
Sheekha ayaa ka sheekeeyay Jiha wareerinta Dowlada KMG ah ay Dadka caamada ah ku jiha wareeriso in ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka xilli Sheekh qudhiisa uu kamid ahaa Dadkii ay Dowlada KMG ah Beenta u sheegtay.
Wuxuu faah faahin ka bixiyay sida ay isku waafaqi karaan Darstuurkii Naabilyoon,Mbagati Doofaareey iyo kan Alle oo ay dowladda KMG ah ku beer laxawsato taageerayaasheeda, Sheekh Sheekh Jaamac C/salaam wuxuu kaaf iyo kala dheeri ku sheegay in laysla meel dhigo Dastuurka alle iyo kan Gaalada ee ku dhisan Ajandayaasha Q.Midoobe.
"Maalin aan joogay meel isku imaatin sidaan oo kale ah ayuu Ninkii meesha gudoomiyaha ka ahaa yiri War in shareecada Islaamka dalka lagu dhaqo diyaar ma utihiin, markaas ayay dadkii meesha fadhiyey oo dhan gacanta taageen oo dheheen Haa Haaa ,Ninkii gudoomiyaha meesha ka ahaa ayaa yiri,dowlada waa islaami waxaan dejin doonaa Dastuur la jaan qaadi kara shareecada Islaamka, Subxaanalaah ku dhaqanka shareecada islaamka miyaa dood lagelanayaa"ayuu yiri Sheekh Jaamac C/salaam.
Sheekha ayaa intaas ku daray in Daaghuut-ka uu ku badanyahay dowladaha sheegto caalamka Islaamka ciddii u xukuntantana wax aan ka ahayn kitaabka alle ay tahay "Riddo" ka baxday diinta Islaamka.
Kheyr allaha siiyee Sheekh Jaamac C/salaam oo ka baxay Culima iska yeel yeelkii Shariifka ayaa hadda wado Baraarujin uu Cilmigiisa ugu faa'iidaynayo Shacabka Muslimiinta ah, weli waxaa jira

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


