Dowlada KMG ah oo soo bandhigtay Ciidan ay ku sheegtay in ay Xisbul Islaami kasoo goosteen.

Dowlada KMG ee la shaqaysa gumaysiga ayaa maanta soo bandhigtay Ciidamo ay ku sheegtay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Xisbul islaam ee dagaalada kula jira shisheeyaha soo duulay iyo Maleeshiyaadka kale.

Munaasabad maanta ka dhacday degmada Wadajir magaalada Muqdisho ayuu Maamulka degmadaasi saxaafadda ugusoo bandhigay Wiilal dhalinyara ah oo uu ku sheegay in ay kamid ahaayeen Ciidamada Al Xisbul islaami.

Axmed Cadow "Axmed Daaci" oo Munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay soo bandhigeen ay Xisbul islaam katirsanaayeen islamarkaana ay kasoo goosteen kadib markii ay dhibaato kala kulmeen madaxda Xisbul islaam sida hadalka loo dhigay.

d aan carrabka qaba karin uu ku lahaa shaqsi lagu sheegay Taliye Xisbul islaam katirsanaa.


"Waad ujeedaan waa Ciidan dowlada kasoo horjeeday cadawga Soomaaliyeedna kamid ahaay, Xisbul islaam ayay kasoo goosteen hadane waxay lajiraan dowladooda anigu Been ka sheegi maa idinkuba damooda"ayuu yiri Axmed Daacin.

Hogaamiye Kooxeedkan dowlada KMG ah u qaabilsan Wadajir Axmed Daaci ayaa ah Cuuryaan lugta ay ka goysay Miino ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ugu aastay meel aan ka fogayn guriga uu Wadajir ka deganyahay.

Sidoo kale waxaa Madashii dhalinyarada lagusoo bandhigayay ka hadlay C/raxiin Maxamuud Cumar oo sheegay in uu ahaa Taliyihii Ciidanka Xisbada Isgoyska H/wadaag wuxuuna cambaareeyay Xisbul Islaam oo uu sheegay in uu xil u hayay.

Marka si degan loo dhuuxo Warkan kasoo yeeray Dowlada KMG ah ayaa u muuqday in uu yahay mid Borobogaanda ah maadaama Ciidanka hadlayay ay si iska yeel yeel ah u adeegsanayeen Eray Bixino Islaami ah sida "waxaan ahaa taliyihii Xisbada" oo lahja

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com