AMISOM oo sheegtay in Idaacad Afkeeda ku hadasha ay Hawada soo gelayso iyo Weriyeyaasha ka shaqaynaya oo Mushaar u qaadanaya $1500.

Waxaa soo dhamaaday qorshihii ay AMISOM Idaacada ku hadasha Afkeeda uga furanaysay magaalada Muqdisho si dar dar loo geliyo dagaalka ka dhanka ah Islaamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed,Taliska Ciidanka AMISOM ayaa magaalada Nairobi dalka Kenya uga dhawaaqay magaca Idaacadda iyo Ajandayaasha ay ku shaqayn doonto.

Idaacaddan oo Weriyaasha ka shaqayn doono qaadanayaan Mushaar xad dhaaf ah waxaa gacan weyn ka gaysanaya Midowga Yurub,Q.Midoobe iyo dhamaan Hay'adaha la dagaalama shareecada Islaamka.

Sarkaal AMISOM u hadlay oo Kenya ku sugan ayaa sheegay in Idaacadan ay u bixiyeen Bar-Kulan ayna maalinta Axadda hawada soo gelin doonto oo ay baahi doonto barnaamijyo uu sheegay in ay Nabadda Somalia ka hadlayaan.

Shabakada SomaliMemo.com ayaa ahayd Warbaahintii ugu horaysay oo Idaacaddan xog xaqiiq ah ka heshay waxaana hadda Muqdisho lakeenay qalabkii ay Idaacadaasi ku shaqayn lahayd waloow aan weli lasoo dhamaytirin shaqaalihii Idaacadda FM-ka Idaacadda ayaa la sheegayaa in uu horay u yiilay magaalada Muqdisho.



Idaacaddan AMISOM ugu magac dartay Bar-Kulan waxay Hawada ku jiri doontaa muddo 15 Saacadood ah marka ay Muqdisho ka shaqay bilaawdo, SomaliMemo.com waxaa kale oo ay ogaatay in Idaacaddan lasoo fariisin doono Culimo ku sheegyo soo jeedinaya Muxaadarooyin lagu sheegay in ay ku taxaluqaan Nabadda iyo wada Noolaashiyaha gaalada iyo Muslimiinta.

Waxaa Idaacadda AMISOM wadaad u ah Nin lagu magacaabo Muuse Mara Cadde oo kamid ah wadaadada suufida ee Muqdisho laga yaqaan,sidoo aan horay u sheegnay waxaa Idaacadda Agaasime ka ah Xasan Bariise halka uu isku duwe ka yahay Ayaanle Cabdi Xuseen horay BBC-da uga tirsanaa waxaana hadda lagusoo daray Weriyaal Somali ah oo Kenya u cararay xiligii Itoobiya Muqdisho soo gashay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Shaqaalaha idaacadda AMISOM lagusoo xulay hanaanka Bah dilka ah ee 4.5 maadaama Idaacada laga bixin doono Mushaar adag oo ay shaqaaluhu dhaafsanayaan Caqiidadooda, Weriyaasha Idaacadda Saliibiga AMISOM ayaa ku shaqayn doona $1500 Dollar waana lacag Sedax Jibaar ka baday Mushaarka uu qaato Askariga African-ka ah ee Muqdisho ku sugan.

Maanta Maxaa shalay uga Eg.
Iyadoo Duulaanka Saaliibiga uu camimay Dalalka Muslimiinta caalamka ayay gaalada aduunkan casriga ah ku nool wadaan dagaal dhan walba ah oo ay kula jiraan Muslimiinta, xiligii ay Ciidankii Saliibiga ahaa ee loogu magac daray Raja soo celinta Somali ay muqdisho soo galeen waxay samaysteen warbaahin ku hadasha afka Somaliga.

Ciidankii Jinsayadaha kala duwanaa ee Mareykanka Hogaaminayay ee Muqdisho soo galay waxaa la xusuustaa in ay shaqaalaysteen Weriyaal Somali ah oo baahinayay dacaayadda Ciidankaasi Raja soo celinta loogu magac daray.

Idaacadii UNISOM ee xiligaasi Muqdisho laga furay waxba sooma kordhin waxaana sii xoogaystay dagaaladii ay Shisheeyuhu kala kulmayeen Kooxihii Somalida, markii dambe Idaacadaasi oo baahinaysa guulo ay gaareen Ciidankii Rajasoo celinta loogu magac daray ayaa caalamka laga daawanayay Maydadka Mareykanka oo wadooyinka lagu jiidayo taas oo muujinasay in Borobogaando aysan waxba tarin.

Ciidankii Saliibiga ee qabsaday Afghanistan markii ay galeen Kabul iyo Qandahaar waay samaysteen Idaacad ku hadashay Afkooda waxayna ugu magac dareen "Radio Bashtun" iyagoo ku doonaya in ay ku Jiha wareeriyaan Qowmiyadda Bashtunka oo ah Beel Sunni ah oo Mujaahidiinta u Gargaarta balse Idaacadaasi waxba uma dhimin Halgankii ay wadeen Mujaahidiinta.

Halkan waa Muqdisho oo la ogyahay xaaladeeda waxay dadku isweydiinayaan sida ay Weriyaal u shaqeeya cadawga ugu shaqaynayaan oo ay Mujaahidiinta uga bad baadayaan, Idaacadda Dowlada KMG ah ee dadka reer Muqdisho ay u yaqaanaan "RR" Radio Riddah ayaa qarka u saaran in ay weyso shaqaale kadib markii weriyaashii Calooshood u shaqaystayaasha ahaa ee ka shaqaynayay ay waayeen meel ay harsadaan sababa laxarira Hanjbaad iyo caga juglay saa'id ah oo uga timid Mujaahidiinta ay dacaayadaha raqiista ah ka faafiyaan.

Si walba oo ay ahaato magaalada Muqdisho ayaa sugaysa in ay liqdo cid walba oo liddi ku ah Caqiidadeeda iyo Magaalanimadeeda, waxaana muuqata in Somalida aan loo adeegsan karin Warbaahin ka fog Misdaaqiyada iyo waaqica jira.

Xigasho:Somalimeo.com

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com