Xukunka waafaqsan shareecada islaamka ee ay maanta ku dhawaaqday maxkamadda guud ee islaamiga ah ee xarakada mujaahidiinta al shabaab ayaa waxaa lagu riday 16 ruux oo lagu eedeeyay in ay dhac ugeysteen qaar ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Xukunka lagu ridey ragan ayaa waxaa ku dhawaaqey Qaadiga Maxkamadda oo lagu magacaabo Alqaadi C/dul Xaq waxaana uu sheegey in lix ka mid ah ragan ay ka baxsadeen xabsigii ay ku jireen islamarkaana ay ugaleen dhanka dowladda kmg ah waxana uu intaa ku darey in 5-ka mid ah ragaasi ay qirteen dambiyadii lagu eedeeyey islamarkaana mid kasta lagu xakumey hal sano oo xarig ah iyo in ay soo celiyaan lacagihii ay ka dhaceen shirkadahaasi.

Qaadiga ayaa sidoo kale carabaabey in raga u baxsadey dhanka dowldda kmg ah in Xukunkooda lagu dhawaaqi doono marka gacanta lagu soo dhigo waxaana uu sidoo kale uu xusey in 5-kamid ah eedeysanayaasha inay dafireen dambiyadii lagu soo eedeeyey taasi oo markii loo cadeyn loo waayey Xukunkoodu uu noqdey in lasii daayo.
Si kastaba ha ahaatee Xukunada maanta ay Maxkamadda guud ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku ridey raga loo yaqaano Kaqaatayaaasha ayaa waxaa uu imaanaya Xili mudooyinkii u dambeeyey gudaha magaalada muqdisho gaar ahaan goobaha Xoogaga islaamiyiintu joogaan ay kusoo badanayeen kooxo aan la aqoonin oo dhac ugeysanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee ku yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


