Ciidamada Mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay Howlgallo adag ka sameeyay tuulooyin hoos yimaad magaalada B/weyne xarunta gobalka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta Shabaab iyo Xisbul Islaami.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in Cutubyo katirsan mujaahidiinta ay saaka u dhaqaaqeen tuulooyin u dhexeeya magaalada B/weyne iyo Matabaan oo maalmihii lasoo dhaafay ay dhibaato ka wadeen Burcad ka hartay maleeshiyadii Aadan Garaase.

Afhayeenka maamulka Xisbul Islaam magaalada B/weyne Sheekh Maxmed Wehliya Odawaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidankoodu ay Guriguri u baareen tuulooyin looga shakisanyahay in ay ku dhuuntaan Burcadda iyo haraadigii Maleeshiyadkii Qabuura Galeenka ahaa ee laga adkaaday.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa la sheegay in ay galeen Howdka Beer Gadiid islamarkaana ay Eryadeen Kooxo Burcad ah oo la sheegay in ay ku carareen Howdka, Xoogaga Mujaahidiinta ayaa Howlgalkan sameeyay kadib markii cabasho balaaran uga timid gadiidlayda iyo shacabka.
Inkastoo weli aan faah faahin laga bixin Howlgalkan hadane warar hordhac ah waxay sheegayaan in gacanta lagusoo dhigay qoryo gacmeedyo ay Maleeshiyo hubaysan ku dhacayeen gaadiidka Rakaabka ah.
Tan iyo markii Mujaahidiintu la wareegeen gacan ku haynta gobalka Hiiraan ayay wadeen Howlgallo ka dhan ah kooxaha qaswadayaasha ah ee caqabadda ku ah Amaanka iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


