Idaacad Islaami ah ayaa maanta markii ugu horaysay laga furay magaalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay Idaacadaasi oo la sheegay in ay baahin doonto Warar iyo Barnaamijyo dhaxal gal ah oo ay u bahaanyihiin shacabka magaalada.
Munaasabad balaaran oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayna kasoo qayb galeen Mas'uuliyiin katirsan Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool, Odayaasha dhaqanka,Culimaa'udiin iyo dad kale ayaa daaha looga rogay Idaacadda Andalus oo noqon doona Idaacad Islaami ah.
Saraakiil katirsan Maktabka Iclaamka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadii Idaacadda Andalus Baydhabo lagu furayay, Idaacadan ayaa durbaba Hawada soo gashay waxayna bilaawday in ay tebiso Barnaamijyo iyo warar Islaami ah oo ka tarjumaya Xaqiiqda ka taagan Somalia.
Munaasabadii lagu furayay Idaacadda islaamiga Andalus Faraceeda Baydhabo waxaa Kalimad ka jeediyay Sheekh Maxamuud Mukhtaar "Abuu Bashiir" oo kamid ah Madaxda Wilaaayada Islaamiga gobalada Bay iyo Bakool.
Sheykh Abuu Bashiir wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay furitaanka Idaacadda Andalus Faraceeda Baydhabo wuxuuna sheegay in ay ka Mid tahay Injaazaaka Muhiimka ah ee usoo hoyday Umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Iclaamka ayaa kamid ahaa meelaha ay cadawgu Umadda Soomaaliyeed ka qaniinaan iyagoo baahinaya Warar Bora bogaanda ah balse waxaa muuqanaysa in Idaacado islaami ah oo xaqiiqda ka hadla ay ka aas aasmeen gudaha dalka Somalia.
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xarun weyn ku leh magaalada Kismaayo waxaana wararkeeda iyo Barnaamijyadeeda ku tixan Kumanaan qof oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee gobalada Jubbooyinka.
Shacabka magaalada Baydhabo ayaa durba soo dhaweeyay dhawaqa Idaacadda Islaamiga Andalus,waxaana maanta gudaha Baydhabo iyo hareeraheeda laga maqlayay Anaashid iyo Warar ay baahinaysay Idaaacadda Andalus ee Baydhabo ka curatay.
Idaacaddan maanta laga furay magaalada Baydhabo waxay hoos tegi doontaa Maktabka Iclaamka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin,Andalus ayaa laga dhagaystaa magaalooyinka kala ah,Kismaayo,Buulaburde,Jowhar,Baydhabo, B/xaawo waxaana la rejaynayaa in Warbaahintaasi Islaamiga ah ku faafto gobolo kale.
Sidoo kale Warbaahinta Islaamiga Andalus ayaa Wararkeeda iyo Barnaamijyadeeda laga dhegaystaa Barta Inteernet-ka ee Andalusnews.com, si kastaba ha ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqdo in uu ka xuroobay Iclaamkii u adeegyay Cadawga ee ku caan baxay halaynta dhaqanka suuban ee Islaamka.
Xigasho:Somalimemo.com

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


