Ururka Midowga Africa ayaa markale muujiyay Xaqdiga iyo Xaasidnimada Saliibiga ee uu u qabo Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee go'aansaday in ay ku dhaqmaan Shareecada islaamka oo ah mid waajib ah.
Kulan ay magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya ku yeesheen waxa loogu yeeray Golaha Amaanka Qaaradda Africa ayay uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Somalia gaar ahaan waxqabadka dowladda KMG ah iyo dhaq dhaqaaqyada Mujaahidiinta Somalia halka ay marayaan.
Midowga Africa waxay walaac ka muujiyeen tabar daridda soo wajahday Dowlada KMG ah oo ay ku sifeeyeen "Dowladda sharciga ah ee Somalia", madaxa amaanka Ururka Midowga Africa oo gaba gabadii kulanka saxaafadda lahadlay ayaa baaq u diray Q.Midoobe.

Midowga Africa oo aad uga caraysnaa guulaha ay gaareen Mujaahidiinta Somalia ayaa Q.Midoobe ugu baaqay in Xayiraad adag lagusoo rogo Dekadaha iyo Garoomada ay gacanta ku hayaan xoogaga Mujaahidiinta Somalia.
Waxay sheegeen in Garoomada iyo Dekadaha dhaca Koonfurta ay maamulaan wax ay ugu yeereen "Kooxo aan sharciyad lahayn"taas oo macnaheedu yahay in Shacabka Muslimiinta aan loo ogolayn ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Kufriga caalamiga ah ayaa aad uga caraysan Nolosha iyo deganaashiyaha ku yimid ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ka jira gobalo badan oo dhaca Koonfurta Somalia, waxaana si caadi ah u shaqeeya Dekado iyo Garoomo ay Q.Midoobe xayiraad u saartay.
Baaqan kasoo yeeray Ururka Midowga Africa ayaan ka dhaqan gelin karin Somalia maadaama ay Mujaahidiintu taageera weyn ka haystaan shacabka Somaliyeed oo ay iska kaashanayaan cid walba oo caqabad ku ah dhaqaalahooda iyo diintooda.
Dekadaha Kismaayo iyo Marka ayaa caadi u shaqeeya mana jiraan dhibaato ka taagan waa markii 2 aad oo ay Midowga Africa ku baaqaan in xayiraad lagusoo rogo Dekado iyo Garooman ay maamulaan Mujaahidiinta Somalia
Xigasho:Somalimemo.com

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


