Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baaq u jeedisay Beeralayda Soomaaliyeed kadib markii Xarakadu dalka ka Eriday Hay'adda WFP oo larumaysanyahay in ay caqabad ku ahayd waxsoo saarka beeralayda Soomaaliyeed.
Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalka Sh/dhexe Dhexe Sheykh Bukhaari Aadan Cabdi oo kulan laqaatay Beeralayda gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in wax weyn iska bedeli doonaan macaashkii ay heli jireen Beeralayda Somalia mar haddii laga hor leexiyay Caqabdii uga imaanaysay hay'adda WFP.
Sheykh Bukhaari wuxuu ku booriyay Beeralayda gobalka in ay sare u qaadaan tacabka Beeraha si meesha looga saaro baahida ay Dadka u qabaan Raashin, waxaa iyana kulanka ka hadlay Beeralay caan ka ah Gobalka Shabeelaha Dhexe oo Wilaayada islaamiga ah uga mahad celiyay sida ay gobalka uga Eryeen hay'addii WFP oo dalka kusoo faraqi jirtay Raashin dhacay oo ay ku bah dilaysay Dalaga Maxaliga ah ee usoo go'ay beeralayda.

"Xaaji Axmed Cali Suubiye waa Gudoomiyaha Iskaashatada Tacableyda Beeraha Gobalka Shabeelaha dhexe wuxuuna muujiyay farxadda ay shacabka gobalka ka muujiyeen go'aankii kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin oo ay WFP dalka uga Eriday.
"Beeralaydu way ku farxeen go'aanka Mujaahidiintu dalka uga raacdeeyeen hay'adii magaca xumeed oo dhib ku haysay beeralayda iyo waxsoo saarka"ayuu yiri Xaaji Axmed Cali Suubiye.
Sheekh Bukhaari Aadan Cabdi ayaa ugu baaqay Beeralayda gobalka in ay alle talada u dhiibtaan oo ay ku dadaalaan sidii ay sanadka usoo saari lahaayeen Dalag ka badan kii hore ee maadaama ay haystaan fursad ay Suuq wanaagsan ugu helayaan dalagooda
Xigasho:Somalimemo.com

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


