Xabsiga Dhexe Magaalada Kismaayo Oo Laga Siidaayay Maxaabiis Faro Badan iyo faahfaahin dheeri ah Oo Kusaabasan Wafdi Booqasho kumarayo jubooyinka.

Wafdi ka socodo qeybta hogaanka shabaabul mujaahiduun Oo booqday xabsiga magaalada kismaayo ayaa ooda ka qaaday maxbiist ku xienyd mudooyinkii ugu dambeeyay.

Xubnaha wufuuda Shabaabul mujaahiduun Oo uu hogaaminayay Sh.Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Oo booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada kismaayo ayaa sii daayay maxaabiista oo tiradoodu dhameyd illaa iyo 30,

Arintaan ayaa waxaa ay ka beysay kadib markii gudaha xabsiga loogu dhex shrragay maxaabiista in la sii deynayo oo waxaana qubad muxaadaro ah u jediyay a Sh.Muqtaar Roobow fhayeenkii hore ee xarkada alshabaab almujaahiduun,



Maxaabiista la siidaayay qaaekood ayaa shabakada iiroon u sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin sida loo fasaxay waxaana ay codsadeen in magacyadooda aan la shaacin halka dadka sawir qaadayaasha ahna aaney muuqaal dhab ah aan loo ogalaan inay kismaayo warbaahinta isticmaasho.

Xaga kalana umuurtaan ayaa waxaa ay ku soo begamaysaa xili inka badan labo maalmood ay si rasmi ah igu suganyihiin gudaha kismaayo wafdiga oo lagu tirsho inay madax sar sare ka yihiin Alshabaabul Mujaahiduun,

Warar ayaa sheegayo in xubnaha Maamulka Alshabaab ee Kismaayo soogaaray ay u yimaadeen qeyb ka mid ah booqashooyin iyo wax ka badalid Isfahanka Maamulka Wilaayada Jubbooyinka iyo Dadweynaha,

Waxaa kaloo warar la isla dhex marayo ayaa iyaguna tibaaxayo in jiraan arimo isbadal in lagu sameeyo maamulka jubbooyinka iyo waliba sidii loo soo afmeeri lahaa dagaalada ka taagan tuulooyinka soodinta Kenya iyo soomaaliya ee xiligan.

Maxamed Salaad Cabdille
Allmuqdisho
Kismaayo


Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com