Gen. C/laahi Macalin Cali taliyaha xabsiga dhexe Xamar ee dowladda KMG ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay xabsiga dhexe ee Xamar uu kadhashay nadaafad darro kajirta xabsiga iyo xiliga Kuleylaha oo la guda galay.
Wuxuu sheegay inay durba qeylo dhaan u direen dowladda KMG ah, isagoona sheegay in dowladdu ay u soo dirtay dhaqaatiir kuwaas oo haatan ku howlan daweynta maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.
"Xaaladda Maxaabiista ku jira xabsiga dhexe way iska liidataa inkasta oo hadda ay Dhaqaatiir noo yimaadeen" ayuu yiri Gen. C/laahi Macanlin Cali taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar dowladda KMG ah ugu magacaaban

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com