Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo katirsanaa ururka Xizbul Islaam ayaa shalay u goostay dhinaca dowladda KMG ah ee Somalia xilli maalmo kahor dowladdu ay soo Bandhigay ciidamo kagoostay ururka Xizbul Islaam.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Allmuqdisho.com labo gaari oo nuuca dagaalka ah iyo ciidamadii lasocday oo taabacsanaa ururka Xizbul Islaam ay shalay gelinkii dambe ay u galeen dhinaca Dowladda KMG ah ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka iyo ciidamada u goostay dhinaca dowladda KMG ah ay difaac uga jireen isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda.
Sargaal katirsan ururka Xizbul islaam oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa xaqiijiyey goosashada gaadiidka iyo ciidamada katirsanaa ururka Xizbul Islaam ee u galay dhinaca dowladda KMG ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah oo la xiriira ciidamada kagoostay ururka Xizbul islaam ee dhineceeda galay, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in dowladda KMG ah ay maalamaha soo socda soo bandhigi doonto ciidamada iyo gaadiidka kagoostay ururka Xizbul Islaam

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


