Dowlada Federaalka Somalia ayaa eedayn kulul u jeedisay Ururka Xisbul islaam oo ay ku eedaysay in uu ku socdo dhabihii Al Shabaab oo uu doonayo in uu dhibaato ugaysto bahda saxaafadda ee ka shaqaysa magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda warfaafinta ee dowladda KMG ah ee Somalia Sheekh C/risaaq Aadan Qeylow oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Ururka Xisbul Islaam in ay cuburin ku hayaan warbaahinta madaxa banaan ee Magaalada Muqdisho.

C/risaaq qeylow ayaa ku eedeeyay Maamulka Xisbul Islaam in ay ku amreen warbaahinta madaxa banana in ay hormariyaan wararkooda islamarkaana ay ka gaabsadaan ka hadalka waxyaabaha lidiga ku ah Ururkaasi.
Kulan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen agaasimayaasha Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Xisbul Islaam ay ugu hanjabeen in ay talaab ka qaadi doonaan hadii ay si fiican ula shaqayn waayaan Xisbiga.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


