Axmad Faarax ducaale la taliyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark oo xalay u waramay barnaamijka Dhuuxa wareysiyada ee idaacadda Al-furqaan ayaa shaaca ka qaaday in Maanta oo Arbaca ah maxkamad ku taala dalka Denmark la soo taagi doono wadaad soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxamaan Abyad kaasi oo todobaad ka hor ay xabsiga dhigeen ciidamada amaanka ee dalka Denmark.
Wadaadkan iyo 5 ruux oo kale oo ay ku jirto haweeneey da’a ah oo indhoole ah ayaa todobaad ka har ay guryahooda ka soo qabteen ciidamada dalka Denmark kadib markii lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen isku day lagu dili rabay hogaamiyaha xisbiga Cunsuriga ee dalka Denmark.
Hase ahaatee ciidamada Danmark waxay sii daayeen 5-tii ruux ee kale waxaana wali ay hayaan wadaadka la yiraahdo C/raxmaan Abyad oo maanta markii ugu horeysay ka soo hor muuqan doono maxkamad ku taala wadankaasi.

Mar wax laga weydiiyay la taliyaha Jaaliyada Soomaaliyeed eek u nool dalka Denmark hadii ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ninkan ay dib xorayadiisa ugu raadiyaan wuxuu sheegay in sharciga dalka Denmark uu dhigayo in aan la fara galin Karin arintan ilaa iyo ciidamada Booliiska ay ka dhameysanayaan baaritaanadooda.
La taliyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark Axmed Faarax Ducaale ayaa sidoo kale sheegy In xariga lagu hayo soomaalida dalka Denmark ay aad uga murugoodeen waxaana intaasi uu ku daray in ay wadaan kulumo ay ku doonayaan in ay kaga hadlaan xaalada heysato soomaalida dalka Denmark.
Axmed Faraax ducaale oo idaacadda Al-furqaan ay wax ka weydiisay waxyaabaha keenaya in soomaalida si weyn loola socdo dhaq-dhaqaaqooda ayaa sheegay in tan iyo markii ay soo baxeen in qaraxii ka dhacay Hotel hamoo uu ka dambeeyay wiil Denmark u dhashay hase ahaatee asal ahaan ka soo jeeda Somalia ay aad u kordhiyeen kontaroolka ay ku hayaan soomaalida Danmark.
Waxaa sidoo kale dadka soomaaliyeed ee ku nool Danmark loo heystaa qadiyad la xiriirta hanjabaad loo geystay mid kamid ah ragii soo sawiray kartooniskii lagu aflagaadeeyay nabigeena Mux’ed ah nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaayee.
Barnaamijka dhuuxa wareysiyada ayaad ka dhageysan kartaa wareysiga Idaacadda Al-furqaan ay la yeelatay Axmad Faarax ducaale la taliyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Denmark oo uu kaga hadlayo xaaladahaasi oo idil.
Xigasho: Radio Alfurqaan

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


