Shabaabul Mujaahidiin oo Wilaayo cusub u magacaawday Gobalaa Jubbooyinka.

Kadib Xalfad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qebgaleen masuuliyiin sare oo katirsan xarakada al-shabaab oo galabta galinkii danbe ka dhacday xarunta jamacada ku dhow saldhiga magaalada ayaa waxaa maanta oo tariiqdu tahay 4/2/2010 si rasmi ah loobadalay maamulkii horay uga jiray gobalada jubooyinka ayadoona lamagacay maamul cusub oo badali doona maamulkii hore


maamulkani cusub ee galabta lugu dhawaaqay ayaa waxa ay kakoobnayeen sidatan
Gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Abuukar Cali Aadan
K/xigeen Xuseen Cabdi Geedi oo hore jagadan u hayay.
Xafiiska Garsoorka C/raxmaan Xudeyfi
Madaxa Dacwada iyo Tacliinta Sheekh Xasan Yacquub Cali oo hore u ahaa Madaxa warfaafinta maamulka kismaayo.

K/xigeenkiisa, C/naasir Yuusuf
Madaxa Ciidamada Amaanka ee gobollada jubooyinka ayaa waxa loo magacaabay Xasan C/raxmaan
Madaxa Ciidamada Amaanka Degmada Kismaayo ayaa waxa loo magacaabay Max'ed Cumar C/dalle
Madaxa dacwada Sheekh C/raxiin Cali Muudeey
Madaxa garsoorka ama Maxkamadda ayaa waxa loo magacaabay C/fitaax caydiid.
Dhamaan xubnahan cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay isugu jiraan xubno ka tirsanaan jiray maamulkii hore iyo kuwa cusub oo hada loo magacaabay jagooyin kuwaasoo magacyadoodu ay ku cusubyihiin bulshada ku dhaqan gobollada jubooyinka.

Maamulkani cusub ayaa waxa kamid ah xubnihii hore Sheekh Xasan Yacquub Cali, oo hayay xilka xafiiska warfaafinta ee maamulkii hore iyo weliba Gudoomiye k/xigeenkii hore ee gobollada jubooyinka sheekh xuseen cabdi geedi oo asaguna dib loogu magacaabay xilkii uu hore u hayay.

Sikastaba ha ahaatee xubnahan la magacaabay ayaa waxa ka maqan xubno aan weli la magacaabin sida xafiiska warfaafinta, kan degmada iyo kuwa kale oo badan kuwaa oo la filayo in ay soo dhisi doonaan maamulka cusub ee galabta lagu dhawaaqay.
Maxamed Salaad Cabdille
allmuqdisho
kismaayo






c/naasir khaalid siciid
allmuqdisho .com

CEERIGAABO

Email:sharaf20056@hotmail.com.



Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com