
Qaar ka tirsan dadka ku nool hareeraha isbitaalkii hore ee Difgeer ee degmada Hodan ayaa dowladda kmg ah waxey ka dalbadeen inay ka dul qaado Ciidamo ka tirsan dowladda oo dhawaan halkaasi saldhig ka sameystey iyadoona maalmo ka hor halkaasi ay dagaalo ku dhex mareen Xoogaga islaamiyiinta iyo Ciidamada dowladda iyo kuwa Ugandha.
Cabashada kasoo yeertey dadkan ku nool agagaarka Isbitaalkii hore Ee Digfeer ayaa waxey timid kadib markii maal mihii lasoo dhaafey ay halkaasi kusoo noq noqdeen dagaalada iyo iska hor imaadyada taasi oo keentey in halkasi lasoo dejiyo Ciidamo kale oo ka socda dowladda kmg ah.

Mid ka mid ah dadka degen agagaarka Isbitaalka Difgeer ayaa usheegey Idaacadda Alfurqaan inay dhibaato Xoogan ku qabaan Ciidmada dowaldda ee fariisinka ka sameystey agagaarka Xaafadahooda wuxuuna sheegy in mar marka qaarkood ay dhacdo in Ciidamada dowladda kmg ah ay shakiyaan dhalinyarada degen xaafadda ka dibna ay qab qabtaan.
Si kastaba ha ahaatee dadka degen agagaarka Xeryaha iyo Saldhigyada Ciidamada dowladda kmg ah ayaa aalaaba cabasho ka sameeya ciidamada dowladda kmg ah waxaana Ciidamada dowladda lagu eedeeyaa inay dhac iyo dil ugeystaan dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada ay saldhigyada ku leeyihiin

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


