Beesha Harti Daarood iyo Shabaabul Mujaahidiin oo Heshiis ku gaaray magaalada Kismaayo.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Harti daarood ee gobolada jubooyinka ayaa heshiis beyco ah waxey la galeen wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka iyadoona goobta ay ka dhaceysey beycada ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Waaliga wilaayada jubooyinka ee Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Abuubakar Cali Aadan oo ka hadley Beycada ay la gaareen Beesha Harti wuxuu si weyn usoo dhaweeyey go’aanka ay beeshaashi ku gaartey inay u gargaarto diinta islaamka wuxuuna yiri:

“ beeshan waxey ka mid aheyd beelaha hormuudka ah horeyna way ugaleen Beyco tan lamid ah,beycadan ilaahey subxaanahu watacaalaa haka dhigo mid barakeysan Mujaahidiinta horey waxey uwadeen camalkan caamka ah oo umadda ka dhaxeeya”.




Sheekh Abuubakar Cali Aadan wuxuu xusey in beesha Harti ay balan qaadey inay garab istaagi doonto Kitaabka Allah islamarkaana ay dhexda u xiran doonto sidii Shareecada islaamka loogu maamuli lahaa deegaanada ay beesha degto ee gobolada jubooyinka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Sheekh Xuseen Cali fiidow oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka gobolada ee Xarakada Mujaahiinta Alshabaab wuxuuna Sheekh Xuseen fiidow sheegey inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay Mubaayaco kula galaan guud ahaan beelaha degen wilaayaadka islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com