
Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee golaha barlamaanka dowladda kmg ah Cusmaan Cilmi boqorre oo wareysi gaar ah siinayey Idaacadda Alfurqaan ayaa ka Hadley Mooshin ka dhan ah gudoonka sare ee barlamaanka oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay wadeen qaar ka tirsan Xildhibaanada dowladda kmg ah.
Cusmaan Cilmi boqorre wuxuu sheegey in barlamaanka ay xiligan hor yolaan howlo cul culus oo loo baahan yahey inay Xildhibaanadu wajahaan wuxuuna ugu baaqey mudanayaasha ku howlan mooshinka inay ka waan toobaan mooshinka ka dhanka ah gudoonka islamarkaana ka qeyb qaataan howlaha barlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad wuxuu xusey in xiligan aan loo baahneyn khilaaf iyo ismaandhaaf soo kala dhex galey golaha barlamaanka ah isagoona sheegey in xaalad adag oo dhinac walba leh ay soo food soo saartey dowladda kmg ah Mudanaaysha golaha barlamaankana loogu fadhiyo inay ka fekeraan mustaqbalka dalka sida uu hadalka udhigey.
Si kastaba ha ahatee hadalka Boqorre ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili mudooyinkii udambeeyey uu isa soo tarayey khilaaf soo kala dhex galey Gudoomiyaha barlamaanka iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada kaasi oo salka ku haya Xilka Gudoomiye-nimada ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxeyna qaar ka tirsan Xildhibaanadu ay ku doodayaan inuu dhamaadey waqiga gudoonkooda halka Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen ay ku doodayaan inuusan wali dhamaan waqtigooda.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


