Midowga Ardayda Gobolka Banaadir oo maanta magaalada Muqdisho Guddoomiye cusub ku Doortay (Daawo Sawirada)

Midowga ardayda gobolka Banaadir ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doorat guddoomiye cusub kadib markii xilkii uu wareejiyey guddoomiyihii hore ee midowga ardayda gobolka Banaadir.

Munaasabad balaaran oo maanta kadhacday magaalada Muqdisho ayey ururka midowga ardayda gobolka Banaadir waxa ay ku doorteen guddoomiye cusub, iyadoona munaasabadda ay aheyd mid ay ka qeyb galeen dhamaan xubnaha midowga ardayda gobolka Banaadir.





Ugu horeyn munaasabadda waxaa khudbad ka jeediyey Maxamed Shiikh Maxamuud Cali oo ahaa ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka midowga ardayda gobolka Banaadir ayaa sheegay in ururka la aas-aasay bishii Febraayo 24-keedii 2004-ta.

"Mudadii uu ururku jiray waxyaabihii uu wax ka qabtay waxaa ugu muhiimsanaa la dagaalanka Jahliga iyo wacyi galinta ardayda Soomaaliyeed" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka midowga Ardayda gobolka Banaadir Maxamed Shiikh Maxamuud Cali.

Carafaat Cabdulaahi Cabdi ayaa loo doortay guddoomiyaha midowga ardayda gobolka Banaadir kadib markii C/naasir Maxamed Shiikh nuur oo ahaa guddoomiyihii hore ee ururka uu xilka ku wareejiyey isagoo ku sugan dalka Pakistaan islamarkana qadka taleefanka uga qeyb galay munaasabadda.

"Waxaan balan qaadayaa inaan si hufan u guto howlaha i hor yaala islamarkaana aan hor mariyo waxbarashada ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan aan gacan siino kuwa aan awoodin inay wax bartaan" yuu yiri Carafaat C/laahi Cabsi oo ah guddoomiyaha cusub ee la doortay.

Munaasabadda ayaa dadkii ka qeyb galay waxa ay dhamaantood hambalyo u direen guddoomiyaha cusub, iyagoona ugu baaqay inuu dadaalka halkiisa kasii wado islamarkaana looga baahan yahay inuu la yimaado dadaal dheeri ah

  HOOSKA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADII LAGU DOORTAY GUDOOMIYAHA CUSUB.






 Carafaat C/laahi Cabdi Gudoomiyaha Cusub oo saxaafadda lahadlaya

Maxamed Sheekh Gudoomiye K/xigeenka Midowga Ardayda gobalka Banaadir

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com