Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalada lagula jiro Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah.
Dad badan ayaa soo jeediyay in cadawga loo Midoobo kadib markii shalay gelinkii dambe si arxan daran loo duqeeyay xaafado ay dad maras ah deganyihiin.
Sheekh C/laahi oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Godey Makane Suuqa Xoolaha oo sidaran loogu laayay carruur ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dagaalka qayb ka yihiin.

"waad arkaysaan sida aan loo kala reebayn carruur iyo Haween, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay maal iyo Maskax uga qayb qaataan dagaalada ka dhanka ah cadawga alle"ayuu yiri Sheekh C/llaahi.
Xoogaga Islaamiyiinta oo dagaallo culus kula jira ajaanibta AMISOM ayaa garab ka heli doono shacabka Muqdisho oo aan si midaysan uga qayb qaadan dagaalada ka dhanka ah AMISOM iyo dowlada shariifka.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

