Diyuurado jooge Hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay magaalada B/weyne xarunta Gobalka Hiiraan oo ay maamulaan xoogag Islaamiyiin ah.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in xalay Fiidkii aan magaalada laga seexan kadib markii diyuurado qumaati u kacaya ay magaalada dul mareen
waloow markii dambe ay xaaladu caadi kusoo laabatay ayay hadane magaaladu noqotay mid ifaysa kadib markii diyuuradaha Itoobiya ay Iftiin saa'id ah ku shideen.

Weriye Ibraahim oo B/weyne ku sugan ayaa xaqiijiyay in ay arkeen diyuurado guuxoodu xowliyahay, shacabka magaalada ayaa siweyn isku tusinayay diyuuradaha magaalada dul heehaabayay.
madaxa xoogaga Islaamiyiinta ah ee magaalada maamula ayaan wax weyn kasoo qaadin diyuuradahan iyagoona howlahooda si caadi ah u wato.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

