Maleeshiyaadka sheegto Ahlusuna iyo kuwa Dabageed oo isku Eedeeyay Guuldaradii kasoo gaartay dagaaladii ka dhacay magaalada B/weyne.
 

 Kadib markii ay Islaamiyiinta Somalia dhegaha ulaabeen Maleeshiyaadkii is kaashanayay ee Dowlada KMG ah iyo kuwa sheegto ahlusuna ayay soo bexeen is eedayn dhaxdooda ah.

Maleeshiyada qabuura galeenka ah ayaa ku eedeeyay DKMG ah in ay fashilisay guulo ay ka gaareen dagaaladii B/weyne ee sida weyn loogu jebiyay maleeshiyadaasi.

Nin lagu magacaabo Abuu Qaadi oo Afhayeen u ah Maleeshiyada suufida ayaa warbaahinta u sheegay in dowlada shariifka ay fashilisay qorshayaal ay Hiiraan ka damacsanaayeen.

"kuwa cadawga lashaqeeya oo dowlada katirsan ayaa fashiliyay guulihii aan kasoo hoynay gobalka Hiiraan, dowlada waxaan ugu baaqaynaa in ay arrinkaas ka hadasho"ayuu yiri Qaadi.




Waxaa arrinkaas ka jawaabay wasiirka amniga u qaabilsan dowlada shariifka Sanbaloolshe oo sheegay inaysan wax fashilin oo ay Hiiraan u tageen abaabulka ciidanka dowladda.

Guul daradii qabuura Galeenka iyo Maleeshiyadii Dabageed kasoo gaaray dagaalkii B/weyne ayay warbaahinta isku marinayaan eedaymo guul daro xambaarsan

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com