Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo Cambaareeyay Duqaymihii lagu laayay Shacabka Rayidka ah oo ay AMISOM shalay ka gaysteen degmada Huriwaa.
 

 Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheeree ayaa dhaleeceeyay weeraradii wuxuushnimada lahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Sheekh Cali Dheere oo lahadlay Idaacadda BBC-da ayaa wax laga naxo ku tilmaamay Xasuuqa ay Ciidamada AMISOM ka gaysteen xaafado katirsan Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Sheekha ayaa ku Eedeeyay dowladda shariifka in ay soo abaabushay xasuuqii ay gaysteen AMISOM "Cadawga ayaa xasuuqay shacabka Muslimiinta ah, magaalada wax dagaal ah kama jirin hadii ay laynta shacabka dagaal ayaa nagulasoo qaaday ku marmarsiyoon jireen,qolada Ridadada ayaa qayb ka ah xasuuqaas"ayuu yiri Sh.Cali Dheere.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war laga baahiyay Idaacadda AMISOM kaas oo sheegayay in duqaymo loo gaystay Xerada Maslax oo ay deganyihiin ciidanka Shabaabul Mujaahidiin.




Xaaladda ayaa saaka degan waxayna shacabku ku mashquulsanyihiin daweynta shacabkii lagu laayay duqaymihii shalay ka dhacay Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com