Sarkaal katirsan dowlada KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa hanjabaad u jeediyay mid kamida Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Yuusuf Maxamed Indha Cadde oo ah Wasiiru dowlaha G/dhigga ayaa si jees jees ah ula hadlay Idaacadda Alfurqaan magaalada Muqdisho.
Mid kamida Howl wadeenada Idaacadaasi ayaa ii sheegay in Indha Cadde oo ay waraysi ka doonayeen uu si xun ula hadlay Weriyaasha Idaacadaasi.
"Indha cadde ayaan wacnay anagoo waraysi ka rabno wuxuu na dhahay,Aniga Hargaysa ayaa lay dhahaa magacayga soo barta Alfurqaan hadaa tihiin anigaa dhawaan idinsoo booqanaya khadka iiga baxa"ayuu yiri Weriye Idaacadaasi katirsan oo aan lahadalnay.
Indha cadde ayaa kamid ah dhinacyada sida weyn u diidan dhaq dhaqaaqyada ay xoogaga Mujaahidiinta ah ka wadaan dalka Somalia laakimn Alfurqaan ayaa ah Idaacad Islaami ah.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com


