Haweenka Muqdisho "Ciidanka Jabuuti  Wadooyinka in aan ku Jiidno ayaan u diyaar Garoownay hadii ay nagusoo duulaan"
 

 Haweenka magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Dowladda Jabuuti ee deriska la ah Somalia.

Reer Muqdisho oo Warbaahinta kala hadlay Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen in Maydadka wiilasha Jabuuti ku jiidaan wadooyinka magaalada Muqdisho hadii ay cagta soo dhigaan ciidda Somalia.

Haweenka Muqdisho oo kulan yeeshay ayaa shaaciyay in ay ka xunyihiin in dad Somali ah ay qayb ka noqdaan duulaanka lagusoo qaaday Umadda Somalida.

"waxaan ugu baaqaynaa in Jabuuti aysan Muqdisho usoo dirin wiilal Somali ah oo cadaw nagu ah, majeclaysan in Maydadka wiilasha Jabuuti lagu jiido Baar Ubax iyo Black Sea laakin waa ku jiidaynaa hadii ay Xamar cagta soo dhigaan"ayay tiri mid kamida Haweenka Muqdisho.

Reer Muqdisho ayaa caadaystay in ay wadooyinka ku jiidaan Ciidan walba oo Dibadda ugasoo duula, waxayna horay wadooyinka ugu jiideen Itoobiyaan,Pakistan,Ugaandhays,Naigeria iyo Maraykan.


Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com