Ciidamada Dowlada Kenya oo wali wada Howlgalada lagu qabqabanaayo Soomaalida ku nool dalka Kenya.
 

 Ciidamada dalka Kenya ayaa magaalada Mombaasa ee dalka Kenya waxa ay ku soo qabqabteen dad ka badan 50-ruux oo Soomaali ah oo intooda badan aan heysan documentiga sharci ah ee lagu joogo wadanka kenya sida ay xaqiijiyeen joob goobjoogayaal ku sugan magaalada xeebta ah Mambaasa ee dalka Kenya.

Goobihii xalay howlgalkaasi laga sameeyay ayaa waxaa kamid ahaa qaar katirsan hooteelada ku yaala magaalo xeebeedka magaalada Mombaasa ee dalka Kenya.

Hoteeladaasi xalay baaritaanka lagu sameeyay waxaa kamid ah hoteelka Al Nasri iyo kuwa kale wallow dadka aan sharciga haysan oo kaliya la qabanayay iyadoona dadka sharciga haysta marka hoteeladaasi la galo la sii deynayay.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee magaalada Mombaasa ayaa Ciidamadii sameenayay howlgalkaasi horkacayay isagoo ku amray dadka hoteeladaasi leh in ay baarayaan waxaana uu sheegay in ay doonayaan oo kaliya dadka aan laheyn sharciga.

Sidoo kale dadkii ku xirnaa xabsiyada magaalada Nairbobi ee dalka Kenya ayaa shalay waxaa xabsiga ku booqdayu saraakiil ka soctay hay’ada Xaqootiga Caalmiga ee Qaramada Midobay UNHCR kuwaasi oo ka dhaadhiciyay dadka ku jira xabsiyadda in loo gudbiyo xerooyinka qaxootiga ah ee ku yaala Dalka Kenya.

Tan iyo markii rabshadaha ay ka dhaceen wadanka kenya waxa ay ciidamada dowlada Kenya kordhiyeen howlgaladda ay kuu soo qabqabanayaan dadla soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalkan oo ay ugu horeyso nairobi.

Dadkii la xiray waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan dowlada soomaaliya oo si sharci ah ku jooga wadanka iyo dad kale oo isugu jira kuwa sharci leh iyo kuwa aan sharci haysan,taasi oo ka dhalatay caro iyo qoylo dhaan xoog leh oo ay sameeyeen ganacsatadda soomaalida Kenya iyo mas'uuliyiin soomaali ah oo ku jira maamulka Dowlada Kenya.


Abdul Kadir Ahmed Olad Nairobi Kenya

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com