Khasaara ka dhashay Madaafiic shalay lagu garaacay Madaxtooyada Villa Somalia.
 

 Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic shalay ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la dhaceen xarunta madaxtooyada Villa Somaliya xilligaasi oo ay ka soconeysay xaflad ay DKMG ah ugu dabaal dageysay sanad kadib marki uu xilka madaxweynenimo qabtay Sh Shariif Sh Axmed.

Warar xog ogaal ah oo gudaha madaxtooyada aan ka helnay ayaa sheegaya 7 ruux in ay ku dhinteen hal madfac kaliya kuwaasi oo lagu kala sheegay 3 in ay ahaayeen askarta AMISOM, iyo 4 kale oo kamid aha Maleeshiyada DKMG ah oo uu ku jiray nin sarkaal ah balse wali magaciisa aanan helin. Khasaarahaasi ayaa ka dhashay madfac qura oo hal meel ku dhacay iyadoona markii ay taas dhacday xaalad isku dhex yaac ah ay bilaabmatay waxaana kusoo xigsaday madfac kale oo ku habsaday dhabarka danbe ee xaruntii xafladdu ka soconeysay taas oo sii qalqal galisay jawwigii xafladda sida ay goob joogayaal sheegeen.

Wariyeyaal lagu casuumay munaasabaddaasi ayay la yaab ku noqotay xaaladda halista ah ee ka jirta Villa Somaliya iyadoona ay taasi kaga sii yaabisay markii ay arkeen Ciidamada AMISOM oo madaafiic si aan loo meel dayeyn iyagoo hadallo ku dhawaaqaya ugu soo garaacayeen goobaha shacabka maati badana ay ku le'deen.

Askarta AMISOM halkaasi kaga dhimatay ka sokow waxaa la sheegay in ay jiraan qaar kale oo ku dhaawacmay rasaas wax ay tahay aan la aqoon oo gudaha madaxtooyada ka dhacday xilligaasi, balse loo badiyay in ay aheyd mid ay rideen askar kale oo kamid ah isla AMISOM oo shakki ka qaaday in madfaca soo dhacay uu ahaa qarax gudaha xafladda ka dhacay.

Habeen hore ayay aheyd markii sidaasi oo kale madfac uu ugu habsaday dhismaha guriga R/wasaaraha ee ku yaalla gudaha Madaxtooyada, kadib markii la duqeeyay, waxaana halkaasi ku nafwaayay tiro kamid ah ilaaladii gurigaasi

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com