Ku dhawaad 20 kamid ah maleeshiyada DKMG ah ayaa ku xirxiran gudaha Xarunta weyn ee AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho oo lagu magacaabo Xalane, kadib markii maleeshiyadaasi lagu helay in ay ka goosan rabeen DKMG ah qaarkoodna ay si hoose qoryahooda u beecgeysteen.
Ilo wareedyo katirsan DKMG ah ayaa xaqiijiyay in maleeshiyadaasi wacyi galin loo bilaabay isla markaana hadda lagu xiray gudaha Xalane, halkaasi oo ilaalo ay kaga hayaan Ciidamada AMISOM, waxaana jira warar sheegaya tirada hadda xiran maahine kuwa kale in lasii daayay oo laga badalay meelihii ay ka shaqeynayeen.

Ciidamadaasi ayaa kamid ah Boqollaal Maleeshiyaad ah oo AMISOM ay hadda tababar ku siineyso gudaha Xaunta Xalane, kuwaasi oo laga soo kala xulay Maleeshiyadii Daraawiishta la kala diray, Maleeshiyadii maamulka gobolka Banaadir, kuwa hogaamiye kooxeedyo beeleed taabacsanaa iyo haraadiga Maleeshiyadii Xukuumaddii C/laahi Yuusuf.
Sida uu hore u sheegay afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Macallim waxaa maleeshiyada ku xareysan Xalane ay DKMG ah ugu diyaar garoobeysaa duulaan ay bilaha so socda kusoo qaado difaacyada ay ku sugan yihiin xoogaga Islaamiga ah ee Muqdisho, waana arrin ay qirayaan madaxda DKMG ah.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

