Maamul Islaami ah oo Galabta xarakada Shabaabul Mujaahidiin u Magacaawday degmada Ceelgaras Gobalka Gaglgaduud bartamaha dalka Somalia.
 

 Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa galabta maamul Islaami ah u samaysay Degmada Celgaras Gobalka Galgaduud bartamaha dalka Somalia.

Munaasabad baalaran oo lagu qabtay degmadaasi ayna kasoo qayb galeen Mas'uuliyiin katirsan Shabaabul Mujaahidiin iyo dadka deegaanka ayaa lagu magacaabay Wilaayad ka kooban 7-xubnood.

Waaliga wilaayada Galgaduud Sheekh Yuusuf Ciise Kabaku dukade oo fagaara kala hadlay shacabka ayaa sheegay in Beesha degta Ceelgaras ay tahay beel Kitaabka alle Ugargaartay sidaas darteedna ay ku kaalmaynayaan ku dhaqanka shareecada alle.

Waxaa isna hadlay sheekh Xuseen Cali Fiidow Madaxa Siyaasadda Gobolada Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna sheegay in Mujaahidiintu ay siiwedayaan maamul usamaynta degmooyinka Galgaduud ee gacanta mujaahidiinta ku jira.


 

Waxaa xusid mudan in waaliga degmadaasi oo ah Nin sheekha uu jiro da'a ahaan 70-sana waana Mujaahid weligiis Jihaadka qayb ka qaadanayay.

Degmada Ceeldheer ayaa kami ah degmooyinka Galgaduud ee isbarbar taagan kitaabka alle,shabaabul Mujaahidiin ayaa dhawaan degmooyin u magacaabay Ceelbuur,Galhareeri waxaana dhiman degmooyin ay kamid yihiin Wabxo iyo Ceeldheer.

Magacyada mas'uuliyiinta Allmuqdisho.com dib ayay kasoo qori doontaa





Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com