Xildhibaan saalax nuux ismaaciil “Badbaado” oo ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka dowladda kmg ah ayaa si kulul u weeraray shaqsi uu sheegey inuu dhawaan sheegtey Afhayeenka guddiyada barlamaanka dowladda kmg ah wuxuuna saalax badbaado sheegey inuusan jirin xildhibaan ku magacaaban xilka Afhayeenka gudiyada barlamaanka.
Xildhibaan Saalax badbaado oo maanta saxaafadda shir jaraa’id u qabtey ayaa xusey in golaha barlamaanka uu leeyahey hal Afhayeen oo kaliya kaasi oo uu ku sheegey inuu yahey Gudoomiyaha barlamaanka sheekh Aadan madoobe islamarkaana aysan ogeyn cid kale oo Afhayeenimo barlamaanka u matasha.

Saalax bad baado wuxuu dhanka kale ka hadley xubno ka tirsan golaha barlamaanka oo dhawaan siminaar loogu qaado dalka jabuuti wuxuuna tibaaxey inaan si cadaalad ah aan loo qeybsanin xubnaha ka qeyb galaya siminaarka isagoo ku eedeeyey Hey’adda UNDP inay faraha kula jirto maamulka golaha barlamaanka sida uu hadalka udhigey.
Ugu dambeytii saalax badbaado wuxuu soo hadal qaadey hadal ay horey usheegeen xubno ka tirsan barlamaanka dowladda kmg ah oo ahaa inaysan aqoonsaneyn gudoomiyenimada barlamaanka ee sheekh Aadan maxamed nuur “madoobe” wuxuuna markalke ku celiyey in Aadan Madoobe uu waqtiga ka dhamaadey islamarkaana waajib ay ku tahey inuu xilka ka dego.
Magacyada mas'uuliyiinta Allmuqdisho.com dib ayay kasoo qori doontaa

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

