Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo Cambaareeyay Waqti kordhinta Q.Midoobe u samaysay Ciidamada AMISOM.
 

 Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay go'aankii Q.Midoobe ay waqtiga ugu kordhisay Ciidamada Shisheeye.

Xogheyaha Guud ee Dhaqanka Hawiye Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa arrinkaasi ku tilmaamay xasuuq kale oo lala damacsanyahay shacabka Soomaaliyeed ee daalan.

Siraaji Isaaq wuxuu carrabka ku dhiftay in Beesha caalamka qolada lamagac baxday ay Cadaw ku tahay Nabadda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka shacabka Soomaaliyeed.



 


"war kasoo yeeray Beesha caalamka kuwa sheegto ee Cadawga AMISOM waqtiga loogu kordhiyay waa fal cadawtooyo ah mana qaadan karno arrinkaas waan cambaarayna"ayuu yiri Siraaji Sheekh Isaaq.

Dhaqanka Hawiye waxay sidoo kale digniin udireen Dowladda Jabuuti oo ay ku Eedeeyeen in ay Ciidan dhibaateeya shacabka muqdisho dhawaan soo diri rabto.

 





Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com