Wilaayada islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Gobalka G.gaduud ayaa ugu baaqday shacabka gobalkaasi in ay taageeraan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Waaliga Wilaayadaasi Sheekh Yuusuf Kaba Kududukade oo shalay fagaare kala hadlayay shacabka Ceelgaras ayaa sheegay in beelaha G.gaduud looga baahanyahay in ay noqdaan ansaar Diinta u gargaara.

"waxaa waajib ku ah beelaha dhaqanka in ay Ansaar ku daydaan, waxaa cizzi iyo sharaf lagu gaari karaa uhiilinta diinta alle, dhaqanka Odayaashooda haku daydaano Odaygii Geeridiisa u Gilgishay Carshiga ee Reer Ansaar Sacad"ayuu yiri Kaba Kudukade.
Dadka ku dhaqan Galgaduud ayaa soo dhaweeyay Wilaayaadka islaamiga ee loo sameeyay waxaana xusid mudan in Ceelgaras loo doortay Nin 70-sana Jir wadaad ah.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

