Kooxda sheegato Ahlusuna oo sheegtay in ay qaati ka taagantahay Weerarada uga yimaad Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbiga Wadahadalna ay u baahantahay.
 

 saraakiisha Maleeshiyada sheegato Ahlusuna ayaa markii ugu horaysay qiray in ay qaati ka taaganyihiin weerarada ay kusoo qaadaan xarakada Shabaab iyo kuwa Xisbul islaam.

Gudoomiyaha cusub ee Kooxdaasi ayaa Idaacadda ku hadasha Codka AMISOM iyo TFG u sheegay in ay doonayaan wadahadal la dhax dhigo iyaga iyo Islaamiyiinta.

Xeefow oo kooxdaasi Fulinta ugu magacaaban ayaa yiri "Dowladda waxaan ka codsanaynaa in aan iskaashano oo ay kooxahaas shabaab waydiiso waxa ay rabaan oo ay nala hadashiiyaan, iyaga ma daalayaan wey nasoo weerarayaan hadii aanan weerarina waa sidoo kale, sanad ayaan ladagaalamaynaa welina wax guulo ah makala gaarin'ayuu yiri Xeefow.



 


Maleeshiyadan Ahlusuna sheegata ayaa muddo sanad ah G/gaduud dagaallo ka weday waxayna dhaafi la'yihiin Tuulada Goonlle Goonlle duleedka Guri Ceel.

Waxaa si aad ah loo xasuustaa dagaalkii Wabxo iyo Warxoollo oo horseed u noqday in Maleeshiyaad aysan wax horumara ka gaaraan dagaalada G.gaduud.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com