Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Weerar sababay Khasaara shacab ka gaystay duleedka degmada B/xaawo Gobalka Gedo.
 

 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Maleeshiyo Hubaysan ku qaadeen duleedka degmada B/Xaawo gobalka Gedo.

Wararka nagasoo gaaraya degmada B/xaawo ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday qof Rayid ah oo ahaa Darawal Haweenay rayid ahna ay dhaawacantay kadib markii maleeshiyo hubaysan weerar ka gaysteen duleedka B/xaawo.

Ciidamada Xisbada maamulka Islaamiga B/xaawo ayaa laxaqiijiyay in ay dagaal lagaleen maleeshiyaadka weerarka kusoo qaaday banaanka B/xaawo.
.

 


Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Maleeshiyada Burcadda ah ay kasoo duulaan tageen degmada Doolow Itoobiya islamarkaana ay katirsanyihiin Maleeshiyaadka Barre Hiiraale.

Shacabka magaalada B/xaawo ayaa saaka siweyn u hadal haya dhibaatada ay Maleeshiyaadkan ka gaysatay duleedka magaalada, weli wax war ah kamasoo bixin maamulka degmada B/xaawo oo ku aadan dhibaatada ay maleeshiyadaasi gaysteen

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com