Jaaliyadaha dalka dibadiisa ku nool oo qaar ka mid ah ispitaalada soo gaarsiiyey
qalab cafimaad oo aad Muhiim u ah (Daawo Sawirada).

 

 Deeqdaan oo aheyd tii labaad oo ay soo dhibaan qaar ka mid ah jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa gar ahaan walaalaha somalida ku dhaqan dalka Denmar
qalabkaan ayaa so dajintiisa iyo meel marintiisa waxaa iska kaashaday ururka S.D.F Somali development foundation iyo ururka bulaal self help organization (BULSHO) ayaa waxaa ay isugu jirtay dhowr nooc oo halbowle u ah nolosha qafka Bini adan ka ah qalab Hospital oo deeq ah .







Sida u saxaafada u sheegay Ismacil Cabdi Nuur oo wakiil ka ahaa qalabka soo dajintiisa iyo meel marintiisa isaga oo ku hadlayey Magaca ururka bulsho in labadaan urur ay ka wada shaqeeyeen sidii qalab gargar ah loo gaarsiin lahaan ispitlaada garhareeri,waxbo iyo ispitalka weyn ee dagmada dayniile ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dad dhibaasan oo somaliyeed .

mar uu ka hadlayey waxaa uu yahay qalabka ispitalada loogu deqay ayuu sheegay ismaciil in ay ka kooban yihiin qalabka soo garay sariiro casri ah oo electronic ah isla markaana ah kuwo ku shaqeeya koronto ,kuraasta cuuryaamiintu ay ku socdan ,kuwa dadka dhawaca ah ay ku socdaan oo dadka qaarkii u yaqaanaan shilkaha ,tuunjiyo,miisas,cumputero,baaskiilada dadka naafada ah lagu riixo ,baaskilada jimicsiga ,raajo ama EX ray kuraasta tuunjiyada leh ee dadka jajaban ay ku saxaroodaan ,daawooyin laka nooc ah .



qalabka qaliinka ,qalab sheybaar,miisaan ,aagooyin, waadada dhiiga lagu baaro ,iyo noocyo kale wuxuuna shegay in ay si nabad ah ku soo gartay ina gaarsiiyey ispitaladii loogu tala galay isaga oo sheegay in ay gudigoodu go.aansadeen in ay u qeybiyaan meelaha ugu daran sida ispitalka weyn ee dagmada dayniile oo lagaarsiiyey qeybtii ugu badneyd alaabada ,qeybihii kale ayaa la gaarsiyey isbitalka dagmada wabxo iyo dagmada halhareer

Sheikh Ismaaciil Cabdi Nuur ayaa sido kale mahad balaaran ujeediyey wlaalihii ka soo shekheeyey wuxuuna xusay iyada oo aan halkaan lagu soo wada koobi Karin Cabdulaahi Cabdi guutaale ,oo Madax ka ah ururka S.D.F Somali development foundation oo ah urur horumarineed ama jaaliyad somaliyeed ee ku dhaqan dalalka yurub iyo walaalihii la shaqeeyey ee u fududeyey in howshaanu ay meel marto gaar ahaa waxaa uu aad ugu mahadceliyey ganacsadeyaal ay ka mid yihiin Tahliil macalin nuur iyo cabdi-yare oo door lama iloobaan ah kasoo qaatay hoowlihii looga baahnaa Emarts haday ahaan laheyd soo bixintii dekada dubai, cajman keenisteedii iyo usoo raridii muqdisho, waxaan kaloon mahad balaaran usoo jeedinayaa ganacsade cabdi cali faarax oo in badan qeyb libaax ka qaatay hoowlaha gargaarka bulshada gaar ahaana isbitaalada sida isbitaalka dayniile oo uu ka mid ahaa maalgilayaashii ugu horeeyey dhismihiisa, uguna deeqay aamblaaska isbitaalka, bixiyey qarashkii rarmada alaabta isbitaalka laba jeer ee hore dubai- Muqdisho.

Waxa uu door muuqda ku lahaa dhismaha isbitalka wabxo iyo dhismaha hotel wabxo
Sidoo kale marlabaad ayuu muteystay in looga mahad celiyo doorka lama iloobaanka ah ee uu ku leeyahay keenista alaabtaan si looga faa,iideyo walaalaha dhibaateysan.

sidoo kale sheekhu wuxuu u mahadceliyey tahliil macalin iyo nin kale oo u ku shegay cabdi Yare kuwaas oo uu shegay in ay aad uga shaqeeyeen in alaabadaasi ay xaga Muqdisho u soo gudubto .
jaaliyada Denmark waa markii alabaad oo ay alabo noocaan oo kale ah soo gaarsiiso ispitaladaan waxayna sheegeen in ay markasta iska soo uruurin donaan qarashaad si ay qalab iyo dawo ugu soo gadaan bulshada Somaliyeed .

labadaan urur ee S.D.F Somali development foundation iyo ururka (BULSHO) ma aha markii ugu horeysay ee sidaan oo kale howl wada qabtaan waxayna aad uga soo shaqeeyeen dhismihii hore ee ispitalka dagmada wabxo oo dhisimihiisu mudo sanado ah socday iyada oo ka qeybqatay dhismooyin badan oo lagu hormarinayey dagmooyinka qaarkood oo ka dhacay galgaduud waxayna ka qeyb qaateen lacago badan oo dalka soo gartay kuwaas oo wax loogu qabtay ispitaalada dayniile iyo madiina ee Gobolka banadir qalabkaanuna waa markii labaad oo ay sidaan oo kale ispitaalo ugu qeybiyaan .

labadaan urur ee S.D.F Somali development foundation iyo(BULSHO) bulaal self help organization waxay xooga saareen xaga waxbarashada iyo cafimaadka iyaga oo horey dhulal badan ka sameeyey dhismooyin iyo dayactiro ,waxay dhiseen ispitalka wabxo,waxay dhiseen duga h/dhe/iyo sare waxay dhiseen kulejka loogu talgalay in ay wax ka bartaan agoontii dadkii ku waxyeeloobay dagaalada dalka ka jira caruurtoodi ,waxay dhiseen ispitalka ,waxay dhiseen maktabad iyo meelo maamul waxay kale oo aad uga qeyb qaateen damintii coladihii ka horeeyey xiligii maxaakimta ayey doorten dadka in ay dagaalka ugu badelaan nabad iyo isjaceyl .

Ismaaciil Cabdi Nuur hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq u u jeediyey Somalida dhameenteed in ay alle ku xirmaan iskashina sameeyaan midoobnan oo ay dalkoda iyo dadkooda waxtaraan .
Ismaciiliya ayaa u mahad celiyey dhamaan intii ka soo shaqeysay keenista alaabtaan iskuna soo dubariday kuwaas oo juhdi badan u bixiyey wuxuuna ugu duceeyey in dabigooga ilaah u dhaafo ,miisankooda xasanaadkana uu ugu buxiyo

labadaan urur ayaa go.aansaday in ay sameeyaan iskaashi buuxa si ay bulshada somaliyeed wax ugu qabtaan ane waan ka soo wariyey
maamulka ispitalka dagmada dayniile ayaa ka mahadceliyey qeybtii laga siiyey deeqda alaabada iyo dawada ah waxaana k ahadlay Munaasibada gudoonsiita alaabadaan oo gudoomay agasimaha ispitalka Dr faysal Xaaji Cumar Gacal oo ku hadlayey gudiga maamulka iyo magaca agasimaha ispitalka dagmada dayniile .

Agaasimaha ayaa mahad balaaran u jeediyey jaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark iyo labada urur ee iska kaashaday soo rarida iyo meel marinta alaada deeqda ah ee loogu deeqay ispitalada galhareeri ,wabxo iyo dayniile ee gobolada galgaduud iyo banadir wuxuuna shegay in ay ka gudoomeen .

Sidoo kale wuxuu u mahad gaar ah u celiyey Ganacsade Cabdi Cali Farax oo uu shegay in markii labaad ay tahay o sidaa oo kale u fudeeyey meel marinta alaabda ay jaaliyaduhu soo dhiibeen kanasoo raray safaradii hore dubai ilaa Muqdisho ku keenay wixii qarash ahaa o ku bixi lahaana dhamaanteed dhabarka u ritay

Ganacsade Cabdi Cali Farax ma aha nin laga ilaabi karo gudaha ispitalka dagmada dayniile wuxuuna horey u keenay marka alaabada laga soot ago gaariga Ambalaaz ta ah ee uu bulshada ugu shaqeeyo ispitalka dagmada dayniile xili uusan laheyn wax ambalaaz ah taas oo hada mudo dhowr sano ah ka shaqeysa guda iyo harerara ispitalka dayniile .
Dr faysal ayaa ugu duceeyey in abaalka ay leeyihiin uu ilaa waafajiyo intii ka qeyb qaadatay soo dejinta iyo keenida qalabkaan cafimaad oo baahi weyn ay u qabeen ispitaaladu .

Ugu danbeytii ayuu baaq u soo jeediyey dhamaan jaaliyadaha somaliyeed eek u dhaqan dalka Denmark iyo wadamad ayurub iyo maryekan in ay ku daydaan jaaliyaadaan ispitalada u soo dhiibtay qalabka cafimad iyo dawada oo ay sidaan oo kale tagero siidaan walaalahoda dalka gudihiisa ku dhibaateysan .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666



Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com