Kulan madaxeedka Africa oo maanta ka furmaya Caasimadda Ethiopia ee Addis‏ Ababa maxaa looga hadli doonaa?.
 

 Kulan Madaxeedka Africa ayaa maanta oo Axad ah waxuu si rasmi ah uga furmayaa magaala madaxda Ethiopia ee Addis Abeba waxaana la soo xeri doonaa labada bisha february.
 
Kulanka ayaa waxaa lagu soo qaadi doonnaa sida dowladaha Africa leysuga xeri lahaa si leysaga kaashado horumarinta Qaaradda madoow waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arimaha nabadgalyada iyo amaanka ee Qaaradda gaar ahaan mushkiladda Darfour, Somalia iyo xaaladda DR Congo,Niger,Madagascar iyo Ivory Coast
.

.

Sudan

Iyadoo xoghayaha qaramada midoobay uu ugu yareeyay dalka Sudan midnimo ayaa waxaa diblumaasiyiintu sheegayaan in hogaamiyaha Libya Qadafi uu u olaleynayo in mar labaad loo ogolaado hogaaminta Africa .
 
Shalay Sabtidii ayuu sheegay Ban Ki-moon in loo baahan yahay Sudan oo mid ah waxuu raaciyay si kastoo ay noqoto aftida laga qaadaayo dadka reer koofureed waxaa lagama maar maan ah in aanu ku fikarnaa wado kale waayoo midnimada Sudan waa arin muhiim u ah Sudan iyo mandiqadaba.
 
Ban Ki-moon ayaa sidoo kale sanadan u aqoonsaday sanad muhiim u ah Sudan waayoo buu yiri waxaa la qaban doonaa doorashooyinka waxaana la qaadi doonaa afti lagu xaqiijin doono mustaqbalka midnimada ama kala bahowga reer Sudan.
Xoghayaha ayaa caddeeyay "waxaan ka shaqeyn doonnaa midnimada qaran waxa kasta waxaa go'aamin doona waa dadka dagan koofurta Sudan balse waan dadaaleynaa si aan uga baaqsano kala qeybsanaan suura gal ah".
 
Mushkiladda Somalia
 
Mar uu ka warcelinayay su'aal ku saabsaneyd xaaladda Somalia ayuu Ban Ki-moon mar labaad ku celiyay in Somalia nabadii lagu soo celiyo si ciidamo caalami ah oo nabad ilaaliyaal ah loo keeno waxuu sii daba dhigay waxaan anagu rabnaa nabad aan ilaalino nabad la dhowraana Somalia kama jirto.
 
Kulan madaxeedka Africa ayaa isagu markaan noqon doona mid inta badan lagu lafo gurayo xaaladaha gudaha ee midowga waxaana la wada baadigoobayaa ciddii badali laheyd hogaamiye Qadafi oo hadda mudo sanad madax ka ah midowga Africa isagoo u carab laalaadinaya in uu talada sii hayo.
 
waxaa Qadafi loo doortay in uu madax ka noqdo midowgan ka gooban 53da dowladood intii uu socday kulan sanadeedkii hore inkastoo madax fara badan ka soo horjeeday qabashada Qadafi xilkaas loo doortay.
 
Rabitaanka Qadafi
 
Qadafi ayaa isagu doonaya in uu sii hayo xilka inkastoo madaxda Africa isku raacday in halkii sanaba uu hogaamiyo uu hogaanka hayo madaxweyne iyadoo la dhowrayo juquraafiyadda mandiqa kastaana iyadu soo cayimato ninka u qaban doona xilka marka waqtigeeda la gaaro.

Diblumaasi ka rirsan midowga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in uu qadaafi iman doono isagoo doonayo in mar labaad loo cusbooneysiiyo xilka anaguna taasi diyaar baanu u nahay mase ogaalaan doonaan dowlado badan sida South Africa, Ethiopia iyo kenya laakin waxuu wafuud u dirayaa galbeedka Africa waxuuna bixinayaa ama soo bandhigayaa waxyaabo la qaadan karo si loogu kordhiyo"
 
Sida caadiga ah ayaa waxaa lagu xulaa madaxa midowga qaab mandiqadeed ah waxaana hadda la joogaa waqtigii koofurta Qaaradda qaban laheyd hogaanka waxeyna hogaanka cusub u doorteen madaxweynaha Malawi Bingu Wa Mutharika si uu u bedalo Qadafi.
 
Madaxweynaha Libya ayaa waxaa la filayaa in uu caddaadis xooggan saaro Madaxda Africa si uu uga dhaadhiciyo riyadiisa ah in la Africa laga dhigo hal dal oo sida mareykanka ah laakin dowlado badan oo South Africa hogaamineyso ayaa qorshaha Qadafi u arka mid wax yeeleynaya madax banaanida dowladaha Africa.
 
W/Q:C/fitaax Xasan Maxamuud.
xaaxaale77@hotmail.com


Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com