Ciidamo katirsan Jabhadda ONLF oo saaka Weerar kusoo qaaday degmada Afmadoow oo ay Gacanta ku hayso Wilaayada Islaamiga Shabaabul Mujaahidiin iyo Jawaab celin laga cabsi qabo.
 

 Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe iyo kuwii ONLF ee Keyma galeenka ahaa ayaa saaka weerar kusoo qaaday magaalada Afmadoow gobalka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Weerarkaam oo saaka waaberigii dhacay ayaan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay laakin waxaa jira in khasaara soo gaaray Maleeshiyadii ONLF ee weerarka soo qaaday.



Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qiray jiritaanka weerarkaas waxaana laga yaabaa in Shabaab ay Jawaab ka bixiyaan weerarkaas iyagoona kusoo gaabsaday "waan naqaan halka nagalasoo weeraray.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in weerarkaasi laga soo qaaday dhanka deegaanka Xuduuda ku yaalla ee Diif halkaasi oo muddooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen maleeshiyada ONLF iyo haraadiga maleeshiyadii Axmed Madoobe.

Saraakiisha Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa sheegay in ay faah faahin ka bixin doonaan dagaalkaasi, iyadoona la ogsoonyahay deegaanadaasi hore in looga eryay maleeshiyo beeleed iyo kuwa ONLF taabacsan oo sanadki hore duulaan kusoo qaaday magaalada Kismaayo

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com