Duqaymo culus ayay Ciidamada Cadawga AMISOM ka gaysteen xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan meelo ay dad shacab ah ku noolyihiin.
Weriye katirsan Allmuqdisho.com ayaa ku sugnaa goob ay madaafiicdu sidaran ugusoo dhacaysay agagaarka Dabaqaynta degmada Huriwaa.
Madaafiic kale oo aad u daran ayaa lagu garaacayaa Suuqa Xoolaha iyo SOS, dad badan ayaa ku waxyeeloobay madfac ku dhacay Isgoyska SOS qasaaraha rasmiga ah lama oga.

Haween Habaaraya Cadawga AMISOM ayaa lagu arkayaa guryaha dadka deganyihiin taas oo muujinaysa Iimaanka haweenka Muslimaadka ah.
Dad badan ayay usuura geli la'dahay in ay salaadaha faradka ah kusoo dukadaan masaajiyada sababa laxariira madaafiicda oo sida roobka ugu socota suuqa xoolaha ,SOS iyo Dabaqaynka
Allmuqdisho.com kala soco wixii soo kordha

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

