Khasaara aad uculus ayaa ka dhashay madaafiic culus oo shalay gelinkii dambe lagu garaacay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa magaalada Muqdisho.
Madaafiicdii ay shalay Ciidanka AMISOM kusoo liishaameen deegaanada ladeganyahay waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 20-qof oo Rayid ah iyo dhaawac aad u farabadan.
Maydad Horleh ayaa saakay laga helay agagaarka Warshadda Baastada magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku baabe'een shacab Rayid ah.
Ilaa iyo 9-Mayd oo isugu jira rag Haween iyo Carruur ayaa saaka laga helay meel ku dhaw Warshadda Baastada kadib markii ay Madaafiic si daran ugusoo dheceen.

Sidoo kale dhimasho badan ayaa ka dhalatay madaafiic lagu garaacay Godey Makane iyo agagaark Masjidka Sheekh C/raxmaan oo dhamaantood katirsan Suuqa xoolaha.
Dhaawacyada ayaa gaaraya 40-qof oo u badan carruur, dadka ayaa aad u habaaraya AMISOM iyo dowladda KMG ah oo duqaymaha mas'uul ka ahaa.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

