Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horaysay ka hadashay socdaal uu Gobalka Galgaduud ku tegay Generaal Maxa'med Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiishii dowladii Siyaad Barre.
Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf ayaa sheegay in ay Il gooni ah ku hayaan socdaalka Galaal ee Galgaduud islamarkaana uu yahay Nin Cadaw shar wade ah doonayana in uu xoojiyo qolooyinka kasoo horjeeda Islaamiyiinta.
"waan lasoconaa in Ninkaasi Ridada u adeega uu tegay Galgaduud si uu u xoojiyo Qabuuriyiinta Mushrikiinta ah, insha'alaah wuxuu mari doonaa halkii ay mareen dadkii isaga ka horeeyay sida Cumar Xaashi iyo kuwa kale"ayuu yiri Sheekh Fu'aad.

Xarakada Shabaabul Mujaaahidiin waxay ku Eedaysay Galaal in uu ka midyahay waxa loogu Yeero Booliska aduunka "Interbool", si kastaba ha ahaatee General galaal aan weli faah faahin socdaalkiia Galgaduud

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

