Maleeshiyaad katirsan dowladda KMG ah ee uu hogaamiyo shariif ayaa lasoo dhigay qaybo katirsan magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Boqolaal katirsan Maleeshiyaadkii Daraawiishta ee loo bixiyay Ciidanka xoogga ayaa lagusoo daadiyay wadada Warshadaha qayb kamid ah gaar ahaan Warshadii hore ee Kabka oo aan ka fogayn kuliyadii Jaalle Siyaad.

Afrax Cali Afrax oo kamid ah Saraakiisha dowladda Shariifka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ay Ciidamo dhigeen Jaamacadii Gaheyr,Kabka iyo meel kale isagoona ku Macneeyay in ay amaanka sugayaan laakin dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Ciidankaasi ay gaadiidka dadweynaha kusoo rogeen lacago Baad ah.
Maleeshiyadan lasoo dhigay qaybo katirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dhawaan lagusoo tababaray Xerada Xalane Garoonka Muqdisho halkaas oo ay saraakiil mareykan iyo AMISOM ah kusoo xoojiyeen.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

