dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoog ban ayaa aga dareemayaa degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya Xoogaga Islaamiyiinta ah iyo Maleeshiyo taabacsan dowlada KMG ah oo taageera ka helaya AMISOM.
Dowladda Shariifka ayaa Ciidamo farabadan kusoo kordhisay aagaga ay isku hor fadhiyaan xoogaga Mujaahidiinta ah iyo Maleeshiyaadka dowladda.

Ilo wareedyo aan ka helnay goobaha dagaalka ayaa xaqiijinaya in Dowlada shariifka ay Mushaar uqaybisay Mushaaraad kadib markii ay dhawaan Muqdisho soo gaareen Saraakiil katirsan Q.Midoobe iyo Beesha caalamka waxaana la sheegay in ay dhaqaale siiyeen madaxda dowladda.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa iyana u diyaar garoobay dagaal uga yimaad Maleeshiyada dowladda iyo ciidamada AMISOM, saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in magaalada ay ka dhacaan dagaallo lamase oga waxa ka dhalan kara dagaalka.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

