Culimaa'udiinka magaalada Muqdisho iyo saraakiisha Mujaahidiinta ah ayaa shalay magaalada Muqdisho ka bilaabay wacya gelin ay shacabka ku wacyi gelinayaan in ay alle tala saartaan oo aysan u hogaansamin dad "Murjifiin ah" oo bilaabay in ay shacabka walaac geliyaan.
24-kii saac ee lasoo dhaafay ayay dadka Muqdisho qaarkood sheegayeen in weerar lagusoo yahay degmooyinka Muqdisho ee nabdoon sida deegaanada dhaca Bariga iyo Waqooyiga.
Sheekh Fu'aad Max'med Khalaf oo kamid ah culimada waaweyn ayaa shalay Muxaadaro uu ku qabtay Masjidka Dabaqaynka shacabka uga digay in ay ku saamoobaan goodiska ka imaanaya saraakiisha dowlada Shariifka iyo AMISOM.
"waxaad arkaysaa dad badan oo dhahaya waalayimid,way soo socdaan taangiyo ayay wataan,war aaway Iimaankii iyo Wixdaaniyadii alle, Murtad xun oo inta fashilmay Idaacadaha ka qeylinaya miyaa idin welwel gelinaya idinkoo alle idin yiri"WALAA TAHINUU WALAA TAXZAUU WA ANTUMUL ACLOWNA IN KUNTUM MU'MINIIN" ,yaan lagu saamoobin hadalada Murjifiinta"ayuu yiri Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf.

Sheekh C/fitaax Aweys Abuu Xamza oo isna shalay gelinkii dambe Muxaadaro ku qabtay markazka Salaaxudiin degmada Huriwaa ayaa isna tafaasiil ka bixiyay qaabka ay duulanka usoo yihiin maleeshiyada dowlada AMISOM iyo waxa shacabka iyo dadka kale ee Mujaahidiinta ah la gudboon.
Sheekh Aweys wuxuu u digay kuwa cadawga u shaqeeya ee walaaca geliyay shacabka kuwaas oo uu ku sifeeyay Munaafiqiin dadka Afka Ku Barakiciya ,Sheekha ayaa soo qaadanayay Aayada iyo Axaadiis ku saabsan xaaladaha dagaalka u dhexeeya Muslimiinta iyo kuwa kale.
"INA ALADIINA KAFARUU YUNFIQUUNA AMWAALAHUM LIYASUDUU CANSABIILILLAAH FASAYUNFIQUUNAHAA ---ILAA AAKHIR al'aayah".
si kastaba ha ahaatee shacabka magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay in ay ducada badiyaan marna aysan ka guulaysan doonin kuwa Cadaw Somali ah iyo kuwa kale.

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com

