Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay waxa ay beenisay in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu u goostay dhinaca dowladda Soomaaliya. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheegay in ninkaas uusan ka tirsaneyn Xarakadooda, isla markaana ay waxba kama jiraan tahay warbixin uu shalay ka bixiyay Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan Dugsiyo tababar oo ay ku leeyihiin deegaanno ka tirsan Koofurta Soomaaliya.
Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in Dugsiyada Tababarka ee uu sheegay ninkaas ay ahaayeen kuwo sida uu yiri ay horay ay ugu soo bandhigeen Cajalado muuqaal ah oo ay horay u qeybiyeen.
“Ninkaas ka mid ma ahayn Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Al-Shabaab, xitaa ka mid ma ahayn Mujaahidiinta” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere).
Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo maalintii shalay ahayd ay dowladda KMG soo bandhigtay sarkaal ay sheegtay in uu ka tirsanaa Xarakada Shabaabul Mujaahidii, kaasi oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Shiikh C/llaahi
Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama Allmuqdisho@gmail.com


