Mas'uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Shacabka Magaalada Muqdisho ku Dushiyay Salaadda Ciidda Garoonka weyn ee Kubadda Cagta Istaadiyoow Muqdisho (Daawo Sawirada).


 Kumanaan dad weynaha ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa maanta soo buux dhaafiyay garoonka wayn ee Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium halkaasi oo ay ku tukadeen Salaada Ciidul Adxaa.

Qaar ka mid ah madaxda sarsare ee Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka mid ahaa dadkii goobtaas ku soo xaadiray salaadii ciida ayada oo dadkii halkaas iskugu yimid uu ku tujiyay Afhayeenka Xarakatu Sabaabul Mujaahidin Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Salaada ka dib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidin Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho ayaa maanta u muuqaal ekaa Berisamaadkii ay dalka joogtay dowladii Siyaad Barre marka loo Eego dadka iskusoo baxay laakin sida kale waa uu ka duwanaa oo waxaa Garoonka ka dhaxmuuqday astaamo diini ah sida Raayada Towxiidka oo ka lalmanaysay dhamaanba hareeraha Garoonka


  HOOS KA DAAWO SAWIRADA MUNAASADDA CIIDUL ADXAA.






Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama Allmuqdisho@gmail.com