Mudaaharaadyo ay Shacabka Soomaaliyeed ku Muujinayeen sida ay uga Xunyihiin Gumaadka Yahuuda ee Shacabka Filasdiin iyo Burburinta Masjidka Al Aqsaa oo Koonfurta Somalia Gilgilay.

 
 Shacabka ku dhaqan Gobalada Koonfureed ee dalka Somalia ayaa maanta dhigay Mudaaharaadyo xoogan oo lagu diidanyahay Gumaadka ay Yahuuda ka wado dhulalka lahaysto ee reer Filastiin.

Kumanaan qof ayaa maanta isugusoo baxay magaalooyinka iyo deegaanada ay maamulaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, kadib markii ay warbaahintu baahisay Iclaanaad ku aadan Mudaaharaadkan ayay Kumanaan qof isugu bexeen Fagaara weyn oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Boqolaal qof ayaa isugusoo xoomay Xeradii Maslax degmada Huriwaa  waxaana halkaasi kula hadlay Madax katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo siweyn uga qiiraysnaa gumaadka Yahuuda ay ku hayso shacabka Muslimiinta Filasdiin iyo Burburinta Masjidka Al aqsaa.

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ay tegayaan Qudus oo ay ka xoray doonaan Kufriga Yahuuda Sahyuuniyada ah.






 

"waan soo soconaa Yahuudeey, waxaan kasoo soconaa Somalia,waxaan kasoo soconaa Shiishaan waxaan kasoo soconaa afqaan waxaan kasoo soconaa dhamaan dhulka Jihaadka, Umadda Filasdiineey Sabran ha daalina Jihaadkiina ka dhiga mid caalami ah oo aan lagu raali gelinayn qowmiyada iyo dhul caadifi ah noqday Muslimiinta toosan ha baqina" ayuu yiri Sheekh Fu'aad.


Xerada Maslax waxaa soo xaadiray Haween watay Mindiyo iyo Bastoolado oo muujinaya sida ay u diidanyihiin Yahuuda xoogga ku haysta dhulalaka Barakaysan ee Filasdiin.

Sheekh C.fitaax Aweys Abuu Xamza oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa isna goobta ka sheegay in ay u socdaan Filasdiin si ay u xoreeyaan Qudus iyo dhamaanba dhulalka Muslimiinta.

Mudaaharaad kan lamid ah ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo xarunta gobalka Bay waxaana shacabka lahadlay Mas'uuliyiin katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxaana shacabka lahadlay sheekh Abuu Mansuur iyo saraakiil kale.

Jowhar, Marka,Kismaayo, Xudur ayuu isna mudaaharaad kan lamid ah ka dhacay dhamaana waxaa lagu gubay Calanka Yahuuda.
 

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama Allmuqdisho@gmail.com