Indha Cadde oo magaalada Kampala lagu Arkay Isagoo dhaawac ah oo ku Boodayo Biraha lagu yaqaan Cuuryaamiinta (Daawo Sawiro)

 
 Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda KMG Somalia Yuuusf Maxamed Siyaasad Indha cadde ayaa dhaawac kasoo gaaray Qaraxii kal hore ka dhacay Garoonka Muqdishoo.

Kadib markii ay xireen ciidanka Nabad sugidda Uganda ayaa la arkay Indha Cadde oo wato Biraha Cuuryaamiinta taas ayaana xaqiijisay in Indha Cadde uusan fayoobeen oo uu ugu yaraan yahay Bukaan socod.

Sarkaalkan ayaa ah Mas'uul lafdhabar u ah Dowladda KMG ah oo ku tagan lugo Booc Booc ah kadib markii ay  Xoogaga Islaamiyiinta Somalia ka awood badiyeen islamarkaana ay ka saareen deegaanno dhowr ah.

Indha Cadde hadda wuxuu ku suganyahay kampala wadanka Uganda wuxuuna dib u raacay  wafdigii Madaxweyne Shariif ee ka qayb galay kulankii looga hadlayay arrimaha qaxootiga qaaradda africa 


 

 

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama Allmuqdisho@gmail.com