
Allmuqdisho.com
Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa fariisimo cusub ka samaystay deegaano ka tirsan degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa degtay meel ku dhaw Fariisimada Xisbul islaam ee magaalada Muqdisho xilli labada Urur aysan colaad xoogan u dhexeyan.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa soo degay Isgoyska Cali Kamiin,Ex.Shaneemo Cali Kamiin,Laba dhagax iyo deegaano kale oo Wardhiigleey ka tirsan.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in ay Arkeen ciidanka Shabaab oo gaadiid dagaal ku haysta Cali Kamiin islamarkaana fuulay daaraha dhaa dheer ee Cali Kamiin ku yaal.
Lama oga sababta Shabaab halkaasi ciidanka ugaysay waxayse wararku sheegayaan in labada dhinac ku heshiiyeen in Cali Kamiin ciidan lageeyo ka dib markii dhawaan lagu dilay Saraakiil Xisbiga ka tirsan islamarkaana lafahmi waayay cidii falkaasi gaysatay.
![]()

Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com
allmuqdisho.com@yahoo.com


