Ciidanka Itoobiya oo ka baxay deegaanka Qorac Joome oo ay in muda ah xoog ku haysteen


Allmuqdisho.com

Ciidamo Itobiyaan ah oo sugnaa deegaank QuracJoome ee gobolka bakool ayaa saaka la sheegay inay halkasi isaga guureen iyagoo u huleelay dhinaca xuduudka xuduudka dalk itoobiya uu la wadaago soomaliya.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa deegankaasi waxaa lagu soo waramaya inay ka gaysteen dhibaatooyink fara badan oo iskugu jira dil,dhac kufsi iyo waliba qafaalasho ay ku hayeen dadk soomalida ah ee ku dhaqan deegaankaasi sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen dadk tulada Qurac Joome.

Wariye KU sugan tuuladaasi oo u waramayey shabkada Allwariye ayaa u xaqiijiyey ka bixitaanka ciidanka itobiya ee deegaankaasi isagoo intaasi ku daray inay ciidamadaasi ka afduubeen dad rayid ah markii ay guurayeen.

Waxaa uu intaasi ku daray markii ay ciidanka itoobiya halkaasi ka baxeen ay gudaha tuuladaasi ay soo galeen koox maleeshiyo ah oo hubaysan oo dadka deegaanka dhibaato u ku haya.

Kooxahan ayaa durtaba waxaa ay bilaabeeni inay dhac iyo hanti boob u gaystaan dadka deegaanka,waxaana ay shacabka halkaasi ku dhaqan ay sheegen inay dhibaatadii ay itoobiyaanku ku hayeen mid la mida ay ula yimaadeen kooxdan maleeshiyadka ah oo u dhashay dadka deegaanka.








Allmuqdisho.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho
 kala xidhiidh Email: Allmuqdisho@hotmail.com ama admin@allmuqdisho.com allmuqdisho.com@yahoo.com